Sawirro: Xasan iyo Xamsa oo xoojiyey qorshaha wax ka bedelka dastuurka dalka

0
41

Muqdisho (caalamka.net) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay guddiga la socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo.

Guddiyada ayaa Madaxweynaha ka balan qaaday inay si degdeg ah u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayoLabada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa soo bandhigay balanqaadyo ku saabsan sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii kulamadaan wuxuu ku bogaadiyey xubnaha labada guddi howlaha u qabsoomay.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaansidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here