Sh. Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka noqdo hadal kasoo yeeray

0
22

Muqdisho (caalamka.net) – Sheekh Maxamed Idiris oo laga wareystay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, ayaa la weydiiyey waxa ay diinta islaamku ka qabto hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa “Carruurteyda iyo qaraabadeyda waxay leeyihiin mid lamid ah xaqa muwaadinka kale.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku qaldanaa hadalkaas, isagoo ugu baaqay inuu ka noqdo, jidkaasna ka leexiyo wasiirradiisa.

“Madaxweynuhu arrintaas waa ku qaldan yahay, carruurtiisu waa muwaadiniin, laakiin inuu jagooyin u qeybiyo isagoo masuulkii umadda ah ma qabto shareecada Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Wuxuu sheegay in halkaas uu ka imaanayo tuhun badan oo qofka masuulka ah ay ka qaadayaan dadka uu xukumo, isla markaana arrinkaas uusan sal iyo raad ku laheyn dhaqanka soo jireenka ah ee Islaamka.

“Waan uga nasteexeynayaa Madaxweynaha arrintaas, waxaan u soo jeedinayaa inuu ka noqdo oo wasiirradiisa uusan halkaas u jaheyn, waxaan maqleynay wasiirkiii maalin dhoweed yiri qofka ugu horeeya ee shaqo aan siinayo waa qaraabadeyda,” ayuu yiri Shiiqu.

Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid uu mudnaa in hadalkaas dartiis xilka looga qaado.

Sidoo kale wuxuu Shiiqu ka digay in wasiirradu ay ka dhabeeyaan hadalkii madaxweynaha oo qaraabadooda ay darajooyin iyo shaqaaleysiin ugu eexdaan, taas oo cadaalad darro u horseedi karta dalka.

“In qaraabadaada kaliya aad shaqo siiso waa musuq, waxayna lamid tahay adigoo maxkamad jooga oo marqaati u keensaday wiilkaaga, Cumar Buni Khadaab ayaa wiilkiisa oo ka mid ahaa saxaabada ugu waaweyn, uguna cilmiga badan ku yiri jagana ma qaban karo, kamana mid noqon karo dadka u tartamaya jagooyinka banaan, marka sidaas ayey ku jirtaas Islaamnimadu,” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here