Beledweyne (caalamka.net) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay in guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan loo doortay madaxweynaha maamulka cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State, sida uu sheegay.
Cali Jeyte oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu sheegay in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne, isaga oo sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, islamarkaana ay sameysteen maamul ka madax-bannaan HirShabelle.
Waxa uu sheegay in reer Hiiraan ay go’aansadeen inay ka hoos baxaan maamulka HirShabeelle, sida uu hadalka u dhigay.
“Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isaga loo doortay madaxweyne, halka ku xigeenna loo doortay Axmed Cismaan Cabdalle (Inji) oo horay usoo noqday guddoomiye ku-xigeenkii amniga ee Hiiraan.
Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Cabdishakuur Cadaawe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa waxa uu yiri “Dadka reer Hiiraan sumcadii iyo halgankii ay galeen iyo dowladnimada ayuu Cali Jeyte suurad xumeynaa in la isbadalo ama la is magacaabo waa sunada dowladnimada. Maxaa diidaya in gudoomiyaha cusub uu meesha shaqada ka sii wado?.”
“Madaxweyne (Cali Jeyte Cismaan) waan ku taagaarsanahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bare La-heley.
Cali Muumin Cumar ayaa isna waxa uu yiri “Anigaa kamid ah dadka ku abtirsada HirShabele gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, waxaana soo dhaweynayaa go’aanka Cali Jeyte Cismaan uu qaatay kadib xilka xayuubintiisii, sababtaan ku taageerayo ayaana ah labadaa gobol waxay ahaayeen laba gobol oo wada jira waxayna lahaayeen laba guddoomiye gobol.”
“Labadii guddoomiye kii shaqeeynayey xilka laga qaadayaa kii wax-mataraha ahaana waa joogayaa ma ahan wax la aqbali karo, Guudlawe ha dhaco.”
Shibane Xuseen oo kamid ah dadka ka fal-celiyay sheegashada Cali Jeyte ee ah in loo doortay madaxweynaha Hiiraan State ayaa waxa uu yiri: “Adiga oo sharaf leh xilka wareeji.”
Cawil Kaariye: “Dadka reer Hiiraan sumcadii iyo halgankii ay galeen iyo dowladnimadii ayuu Cali Jeyte suurad xumeeyey. Sharafkii iyo boqortooyadii reer Hiiran ayuu meel uga dhacay Mudane Jeyte.”
“Kuwa Cali Jeyte xilka ka qaaday waa kuwa ka soo horjeeda dowladda, islamarkaasna naafaynaya dagaalka lagu jiro (kooxda Al-Shabaab),” ayuu yiri Cali Bashka Axmed.
Xasan Hiraabe ayaa isna waxa uu yiri: “Sumcadaada ayaad ku ciyaaraysa guusha waxyar ayay kuso jirsatay laakiin waad ka faa’iideysan weyday, hadaad aqbali laheyd xilka qaadista Soomaaliya baal dahab ah ayaad ka geli laheyd laakiin hada waxaa wanaagagii ku bedelatay hogaamiye qabiil aan is-ceshan oo ceebta wanaag mooda.”
“Waddo aad aqoon meeshay ku dhamaato ayaad ku joogta, dadkaagana ha lumin hana isku dirin, HirShabeelle-na waa jiree waa ka horeysay.”