Suuqa degmada AFGOOYE oo maanta xiran + Sababta

0
38

Afgooye (caalamka.net) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa suuqa ariga ee magaaladaasi,

Suuqa ayaa maanta xiran, kadib markii uu muran xoogan uu soo kala dhex-galay ganacsatada iyo sidoo kale dad sheeganaya milkiyada dhulka uu ku yaalla suuqaasi.

Arrintan ayaa keentay in gebi ahaan uu suuqa uu xirmo, waxaana albaabada la’isugu dhufray goobaha ganacsiga, kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen ganacsatadu.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay arrintan ay ka taagan tahay halkaasi, waxaana la sheegay inay dhaq-dhaqaaq ciidan ay bilaabaan labada dhinac.

Mid kamid ah deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in suuqa ay yimaadeen laba nin oo sheeganaya milkayadiisa, isla-markaana ay isku dhaceen ganacsatada, taas oo keentay in suuqa uu xirmo, sidoo kalena dhaq-dhaqaaq laga dareemo halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maalmihii u dambeeyay uu suuqa ka bilowday afduub, isla-markaana dhowr qof oo la watay lagu soo daayey madax furasho, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, ganacstada oo ka hadlay dhibaatooyinkan ayaa baaq u diray Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen inay wax ka qabtaan cabashadooda.

Xaaladda Afgooye ayaa maanta ah mid cakiran, waxayna sidoo kale arrintan saameyn ku yeelatay dadka deegaanka, maadaama goobihii ay ka adeegan lahaayeen la xiray.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan xaaladda ka taagan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here