Wararkii ugu dambeeyey dadaalka lagu heshiisinayo labada beel ee Abgaal + Video

0
35

Cadale (caalamka.net) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi u horkacayo ayaa shalay gaaray deegaanadii lagu dagaalamay ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka dhacayo shir dib u heshiisiin ah.

Cali Guudlaawe ayaa tegay deegaanka Burka Dirimeed oo ay taallo gogosha dib u heshiisiinta, waxaana halkaas horay ugu sugnaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo odayaasha dhaqanka oo ku baxay xal u helidda xiisaddaasi.

Wasiirka dib u heshiisiinta HirShabelle, Cabdullaahi Cadde oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka Cali Guudlaawe iyo dadaalladooda dib u heshiisiinta.

Cabdullaahi Cadde ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu furmi doono maata oo Jimco ah, sagaalka subaxnimo, wuxuuna baaq u diray guud ahaan reer HirShabelle.

“Waxaan soo gaaray madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaan rabnaa in dadka deegaanka ay ogaadaan in gogoshii dib u heshiisiinta inay Jimco ah sagaalka subaxnimo ay noo furmi doonto,” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay diyaarsan yihiin ergada labada dhinac ee shirka ka qayb-galeysa, wuxuuna ku dhowaaqay in gogosha ay furan tahay.

“Waa diyaarsan yihiin ergooyinkii ka qayb-geli lahaa shirka, madaxdiina way joogtaa, gogoshana waa furan tahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaalidu waa garan kartaa, waana taqaanaa in geed hoostiis la xaaqee la fariisto macnaha ay leedahay, madaxdu guryihii waa kasoo baxeen”.

Waa shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaco Shabeelaha Dhexe, waxayna ujeedadu tahay in xal waara looga gaaro colaadda soo laa laabatay ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here