Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo golaha horgeeyay heshiis ku aadan ku biirista Somalia ee ciidanka heeganka Bariga Afrika.
Wasiirka ayaa inta uu ku sugnaa golaha waxay xildhibaanadu ku soo qaadeen weerarkii xanuunka badnaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad.
Ugu horreyn wasiirka ayaa isku dayay inuu diido su’aalahaasi, isaga oo sheegay inuu madal kale uga jawaabi doono, balse guddoonka ayaa ku qabsay inuu ka hadlo dhacdaaasi.
Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa intaas kadib sheegay in uusan marnaba ka carareen mas’uuliyadiisa, uuna diyaar u yahay inuu jawaab siiyo baarlamaanka
“Waxaan rabaa meeshaan inaan ka caddeeyo aniga qof mas’uuliyaddiisa ka cararaayo ma ihi, qof golaha inuu hor yimaado su’aalna uga jawaabayo ka cararaayana ma ihi. Guddiga difaaca way joogaan saddex jeer ayaan dalbaday gola weynaha” ayuu yiri Jaamac.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Arrinka ah tacsida ka dhacday xerada xanuunka ugu badan qofka uu soo gaarayo waa qofka mas’uuliyadda haayo waayay daqiiqadaas qofka dhaawaca anh inuu daaweeyo laga rabo, meydkana inuu duugo, xanuunbey nagu heysaa”.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan baaritaan qaraxaas, wuxuuna tilmaamay in loo soo xiray saraakiil ciidan, kuwa kalena dabagal lagu hayo.
“Mas’uuliyad darradaas way dhacday dadkii qaaday iyo baarista waa socotaa saraakiil ayaa xiran iyo kuwa kalena su’aallo ayaa ku socdo” ayuu mar kale yiri wasiirka Gaashaandhiga.
Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad oo Al-Shabaab ay sheegatay ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, waxaana falkaas loo soo xiray saddex sarkaal oo uu ku jiro Gaashaanle Sare.