Xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al-Shabaab oo laga saarayo magaalada…

0
37

Baraawe (caalamka.net) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al-Shabaab laga saarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa ugu yeeray xaasaska iyo carruurta maleeshiyadaasi in ay isaga baxaan degmadaasi.

Wasiirka oo gaaray Baraawe ayaa sheegaya inaanan la aqbali doonin in Shabaabku ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in uu socdo qorshe xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab lagaga saarayo Magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilligan oo sida uu sheegay uu heer geba-gabo ah marayo u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa maamulada degmooyinka faray in ay iyana u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka.

Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa xusay in muddada uu ku sugan yahay Baraawe inuu la kulmi doono Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga Dalka.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, walow maamulku uu hadda si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Baraawe ayaa mar ahayd xaruntii ugu weyneyd ee Al Shabaab, iyadoona dagaal looga saaray 5-tii bishii October ee sanadkii 2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here