Garoowe (caalamka.net) – Xabad-joojintii dhawaan ay Isimida dhaqanka ee Puntland ka hirgeliyeen magaalada Garoowe ayaa gebi ahaanba burburtay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab ayaa lagu sheegay in hoggaanka taliska oo si weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Deni in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday furista dastuurka.
“Taliska wuxuu bulshada Puntland la wadaagayaa in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday ku xadgudubka dastuurka iyo qawaaniinta Puntland, sidaa la wada socoteen 25-kii July baarlamaanka oo fulinaya rabitaanka madaxweyne Deni wuxuu sifo aan sharciga waafaqsanayn wax uga badalay dastuurka,” ayaa lagu yiri.
Taliska Danab-ta Puntland ayaa tallaabadii uu dhawaan baarlamaanka qaaday tilmaamay mid looga gol leeyahay muddo kororsi uu xafiiska ku sii joogo madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ka divay ficilada ka dhalan kara damaca guracan ee Deni.
“Ciidanka Danab wuxuu u taagan tahay una taagnaan doonaa ilalainta sharciha iyo in aan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Puntland u horseedin khilaaf dastuuri ah oo sababa xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. Guutada Danab marna ma aqbali doonto in xukunka la iska sii haysto.”
Ururrada Puntland ee laga dhigay Xisbiyada ayuu ugu baaqay in aysan noqon kuwo loo adeegsado gaarista danaha siyaasadda ee madaxweyne Deni, taasi oo dhaawacaysa xasiloonida iyo wada-jirka Puntland.
“Tallaabooyinka sharci darada ah haddii aysan joojin ma noqon doonto mid ay ku waxyeeloobaan ciidanka iyo shacabka ee waxay saamayn doonta kuwa sababta u ah,” ayaa lagu yiri digniinta Taliska Danab.
Ugu dambeyntiina waxa lagu yiri war-saxaafadeedka “Isimadda dhaqanka waxay ku guul-dareysteen in ay go’aamo ka soo saaraan nabad-galyada iyo jiritaanka Puntland. Ciidanka Danab wuxuu ka jawaabi doonaa dhaq-dhaqaaq kasta uu sameeyo maamulka waqtigiisu dhamaaday.