Jabuuti (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa shaaciyay halka uu marayo heshiiskii dhawaan Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku gaaray Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay in shirkaasi kasoo baxeen go’aano muhiim ah oo ay ku jirto in doorasho iyo qof cod ah dalka loo diyaariyo.
Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas, xilli ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim u ah qaaday si loo nabadeeyo dalka, oo ay ugu horreyso dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo looga saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
“Nabad iyo nidaam dowladeed ayay ku naaloonayaan deegaanada iyo degmooyin ay kooxdu cadaadiska ku haysay muddo 15 sano ah.”
Waxa uu sheegay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.
Mudane Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu madaxda IGAD la wadaagay in dowladdu tallaabooyin u qaaday dhinaca horumarinta nidaamka dowladeed, iyada oo la joogteyanayo kulamada golaha Wadatashiga Qaranka, ayna qabsoomeen ilaa lixbkulan tan iyo intii uu xafiiska Villa Somalia dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu garab istaag u muujiyey dalka Suudaan oo ay colaadi ka socoto, wuxuuna madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD ku booriyey inay qaataan doorkooda nabad ku soo dabaalidda dalkaasi iyo meelaha kale ee xasaraduhu ka jiraan.