Xeer-ilaalinta oo shaacisay magacyada 9 mas’uul oo baxsad ah iyo 9 xiran, loona haysto musuq

0
35

Muqdisho (caalamka.net) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa, kaas oo ay haatan waddo dowladda Soomaaliya.

Suleymaan Maxamed ayaa shaaciyay liiska 18 mas’uul oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo uu tilmaamay in 9 kamid ah ay baxsad ka yihiin cadaaladda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay xiran yihiin 9 kamid ah eedeysanayaasha, kuwaas oo kala ah

1– Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

2– Maxamed Cabdii Mukhtaar Cabdiraxmaan, agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

3– Cabdullaahi Maxamed Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniinta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4- Cumar Macallin Cali, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

5– Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee xigeenka waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

6– Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee Viso kordhinta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

7– Abuubakar Maxamed Cali, maamulaha xafiiska canshuuraha bariga ee garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

8– Cabduqaadir Cabdi Socdaal, khasnajiga qaybta daqliga ajaaniibta ee Bankiga Dhexe

9– Maxamed Aadan Cabdullaahi, maamulaha Bankiga ee laanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale soo bandhigay magacyada sagaalka mas’uul ee baxsadka ah, kuwaas oo kala ah:-

1– Cabdiraxmaan Cabdirakiin Ibraahin, madaxa madax qeebeedka ruqsad siinta ajaaniibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

2– Cabdulaahi Daahir Wehliye, khasnajiga qaybta daqliga ajaaniibta laanta garoonka Aadan Cadde ee Bangiga Dhexe.

3– Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim ,shaqaale ka tirsan qaybra ruqsad siinta ajaaniibta ee waaxda sharciga iyo xiriirka shaqaalaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

4– Muxudiin Xasan Jurus (Saabey), agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda.

5-Maxamed Idiris Axmed, madax qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyaddda. 6-Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

7-Cabduqaadir Cilmi Cali, agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

8-Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Caato), agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka.

9-Abuubakar Xasan Aadan, madaxii hore ee xaqiijinta dukumintiyada codsiga Viso kordhinta waaxda ajaaniibta ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Xeer ilaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda ay dabagal ku heyso shaqsiyaadkaasi, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin in cadaaladda la horkeeno mas’uuliyiintaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay wada shaqeyn la leedahay Booliska Caalmiga ah ee Interpl, isla-markaana ay la kaashan doonto kiiskan, si gacanta loogu soo dhigo eedeysayaasha baxsadka ah oo haatan ku sugan dalka dibaddiisa.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo horay dowladdu u xirtay mas’uuliyiin dhowr ah oo loo haysto musuq, kuwaas oo lqaarkood a horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here