Muqdisho (caalamka.net) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhashay xiisadda xoogan ee hareysay Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtidii ku kula qaybsamay ajendaha kulankooda.
Xildhibaanada qaarkood ayaa ka horyimid in kulankaas uu ka qayb-galo wasiirka amniga gudaha Maxamed Sheekh Cali Doodishe, taas oo keentay inuu buuq xoogan hareeyay kulankii Golaha oo ugu dambeyn guddoonku iska soo xiray, markii la kala bixi waayay.
Sidoo kale waxaa maanta baaqday kulan kale oo ay xildhibaanadu ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa, kadib markii ay faragelin ku sameysay madaxtooyada qaranka.
Wararka ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku qancisay gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu baajiyo kulankan illaa inta laga gaarayo Arbacda, si xal loogu helo doodda taagan.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa tuhun weyn ka qaba kulanka baarlamaanka, maadaama uu soo baxay guux weyn oo ku aadan in xildhibaanadu ay wadaan mooshin culus oo ka dhan xukuumadda Dan-Qaran.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ka hortegaya qorshahaasi ayaa hadda kala fur furis ku bilaabay xubnaha Barlamaanka, si xiisadda loo qaboojiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xalay kulmay qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka, oo uu kala hadlay xiisadda taagan, waxaana qaarkood la sheegay in loo ballan qaaday xilal, sida wasiir, safiir, shaqaaleysiin iyo sidoo kale dhaqaale.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arrintan xoogeeda si weyn oooga dareemayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo ay xildhibaanadu ka wadeen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, kaas oo si weyn loo dareemay kadib kulankii dhacay Sabtidii.
Si kastaba, waxaana kulankaasi soo baxday awoodda xubnaha mucaaradka ay dhexe ku leeyihiin Baarlamaanka, kadib markii ay hor-istaageen ajendihii ay wadatay xukuumadda.