Xogta heshiisyo lagu saxiixayo QATAR iyo Xasan Sheekh oo gaaray

0
60

Doha (caalamka.net)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa waxaa caasimada dalka Qatar ee Dooxa uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo laba maalmood ah, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa waxa uu la qaadan doona kulamo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay waxay labada dal ka arrinsan doonaan iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay shaacisay in madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynayo dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana dhawaan la filayaa in uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan dalalka deriska ee haatan la’isku yiraahdo dalalka safka hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here