Golaha wasiirada oo ansixiyay xeer cusub, kana hadlay dagaalka… + Sawirro

0
34

Muqdisho (caalamka.net) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Inta badan waxaa shirka goobjoog ahaa xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo shirkooda ku ansixiyay xeer cusub, sidoo kale ku dhageystay warbixino xasaasi ah.

Ugu horreyn kulanka golaha wasiirada ayaa lagu meel-mariyay Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo la xiriirta diyaar-garowga gulufka cusub ee ay haatan waddo dowladda federaalka ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa warbixinteeda ku sheegtay in uu dhawaan bilaaban doono howlgalka wajigiisa labaad oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay dabargoynta kooxda Al-Shabaab, si looga saaro dalka oo dhan.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna  goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here