London (caalamka.net) – Xaaskii uu ka geeriyooday boqorkii hore ee Sacuudi Carabiya ayaa ku lug leh dagaal maxkamadeed ku saabsan guri lagu qiimeeyey tobanaan milyan oo dollar oo ku yaalla mid ka mid ah waddooyinka ugu qaalisan London.
Aljawharah Alibrahim, ayaa waxaa maxkamad ku dacweysay hay’ad fadhiggeedu yahay dalka Liechtenstein, oo magaca dhaxlayaasha Boqor Fahad bin Abdulaziz, oo geeriyooday 2005, ku maamusha dhismaha Kenstead Hall.
Qareenada matalaya hay’adda Asturion Fondation ayaa u sheegay garsooraha Maxkamadda Sare ee London, in sanadkii 2011 uu qof xubin ka ah hay’adda dhismaha Kenstead Hall ku wareejiyey Aljawharah Alibrahim “ayada oo aysan ansixin guddiga.”
Xaaskii hore ee boqor Fahad ayaa ka dagaalameysa sheegashadaas.
Garsoore Adam Johnson ayaa dhageystay in dhismaha Kenstead Hall uu ku yaallo waddada The Bishops Avenue ee xaafadda waqooyiga London.
Website-ka hidden-london.com ayaa waddada The Bishops Avenue ku qeexa “waddo aad qaali u ah oo teedsan Hampstead Heath illaa East Finchley.” Sidoo kale website-ka shirkadda guryaha ee Glentree Estates ayaa waddada ku qeexa “Safka Bilyaneerada.”
Qareenada matalaya hay’adda ayaa ku dooday in wareejinta “la sameeyey ansixin la’aan” waxayna doonayaan in garsooraha uu sameeyo xukun “sii joogteyn doono gacan ku haynta hay’adda ee dhismaha.”
“Ilaa October 2011, hay’adda ayaa haysay Kenstead Hall si ay uga faa’iidaystaan dhaxlayaasha Boqor Fahad bin Abdulaziz ee Sacuudi Carabiya, gaar ahaan xaaska uu ka dhintay ee hadda eedeysan, Amiir Abdulaziz bin Fahad, oo ah wiilkiisa lana socda eedaysanaha, iyo siddeed kale oo carruur ah oo xaas kale ay dhashay,” waxaa sidaas garoosraha u sheegay David Mumford KC, oo hogaaminaya kooxda qareenada ee hay’adda.
“14.10.2011, mid ka mid ah saddexda xubnood ee guddiga hay’adda ayaa Kenstead Hall ku wareejiyey eedaysanaha iyada oo aan laga ansixin guddiga.”
Mr Mumford, oo u sheegay garsooraha in Kenstead Hall uu ku kacayo tobanaan milyan oo gini, ayaa sheegay in wareejintu ay “waxyeelo cad u gaysatay” carruurta ay dhashay xaaskii hore ee boqor Fahad, kuwaas oo ay eedo u tahay Aljawharah Alibrahim.
Rupert Reed KC, oo ah qareenka matalaya Aljawharah Alibrahim, ayaa garsooraha u sheegay in qofka xubinta ka ah guddiga ee sameeyey hanti wareejinta “uu haystay sharciyadda lagama maarmaanka ah.”
“Amiiradda ma aysan haysan sabab ay uga shakiso rabitaanka maamukal. Wareejintu waxay ahayd mid sax ah oo waajib ah. Dacwadda waa in lagu gacan sayraa,” ayuu yiir.
Aljawharah Alibrahim ayaa ku guulaysatay wareegii hore ee dacwadda. Garsooraha ayaa go’aamiyay in sheegashada hay’adda la diido.
Si kastaba, go’aanka maxkamadda ee u hiiliyey Aljawharah Alibrahim ayaa laga laabtay kadib markii ay hay’adda racfaan qaadatay. Kiiska ayaa mar kale dib u furmay.