Daawo: DF oo diiday dalab la xiriira arrinta badda oo kaga yimid madaxweynaha Kenya

0
45

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay wadahadal ku saabsan arrimaha Badda oo ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya William Ruto oo mar sii horeysay dalka Jabuuti ka sheegay in mar kale ay Soomaaliya kala xaajoo doonaan muranka badda.

Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa kulan su’aalo weydiin ah ugu yeeray maamulka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana su’aalihii la weydiiyey ku jirtay arrinta badda.

Danjirihii hore ee Midowga Yurub, Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka mid ahaa guddiga ayaa masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda weydiiyey wax aka jira wadahadal ay garwadeen ka tahay Jabuuti oo Soomaaliya iyo Kenya ay ka gelayaan arrinta badda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa ka jawaabay su’aashaas, wuxuuna sheegay in hadalka Madaxweyne William Ruto ay la yaabeen maalintaas.

Wasiir Balcad wuxuu cadeeyey in habayaraatee uusan jirin wadahadal Soomaaliya iyo Kenya ay ka yeelanayaan arrinta badda, sidoo kalena Jabuuti aysan u soo bandhigin dalab noocaas ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku dheeraaday sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay ilaalinta badda ayaa sheegay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin kiiskii ay go’aanka ka gaartay maxkamadda ICJ.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu horay maxakamadda u geeyey kiiskaan, hadana aysan suurtagal aheyn inuu gorgortan ka galo markii Soomaaliya loo xukumay kadib.

“Hadalka uu Ruto ka jeediyey Jabuuti wuxuu ahaa hadal nagu cusub, la yaab ayuu nagu noqday, mana jirto dhexdhaxaadin ay wado Jabuuti, arrinta badda maxkamad ayey ku dhamaatay, intaan ayadoo ka fudud ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u diiday in laga wadahadlo arrinta badda,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here