Qarax ismiidamaamin ah oo ka dhacay xero ku taalla MUQDISHO

0
27

Muqdisho (caalamka.net) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha u galay xerada Kuliyadda Jaaliyadda Siyaad oo ku taalla degmad Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu saameynayeen gaardis, isla-markaana ay ku jireen saf dhaadheer.

Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay ciidanka, kadibna uu sidaas isku qarxiyay, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qofka is qarxiyay ayaa kamid ahaa ciidanka ku sugnaa gudaha xerada, qaybna ka ahaa askarta lagu diyaarinayay xerada, mana cadda sida ay ugu suuragashay weerarkan oo dhaliyay tuhun xoogan, maadaama la beesaday xero muhiim ah.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi ismiidaaminta ah ee ka dhacay xeradaas ciidan.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xerada Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir oo  dhowrjeer ay qaraxyo ka fulisay halkaas oo lagu tababaro ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here